
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha JFS ayaa halkaas uga qeyb-galayo shir aan caadi aheyn oo ay Madaxda Urur-Goboleedka IGAD oo kaga arrinasanayaan faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo Wafdiga wehelinaya ayaa sidoo kale ka qeyb-gali doona shirka Isbaheysiga dalalka dhex dhexaad ka ah oo ka dhaya halkaas.
Leave a Reply