Dowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Diyaarad Itoobiyaan ah oo Celisay iyo Mid kale oo Hargaysa kasoo dagtay

itoobiyaairline

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Diyaaradda Ethiopian Airlines ee hawada Soomaaliya ay ka celisay, halka diyaarad kale oo leedahay Itoobiya ay Hargeysa ka dagtay.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa siisay “reject”codsi ay wadatay diyaar laga leeyahay dalka Itoobiya taas oo sidday wafdi Itoobiyaan ah oo doonayay in ay tagaan magaalada Hargeysa ee Gobalka Waqooyi Galbeed, Diyaaraddaas oo ay Hay’adda Duulista ay ka celisay Hawada Soomaaliya.

Diyaaradda Sidday wafdiga Itoobiyaanka ahaa, ayaa waxaa qasab ku noqotay in ay ku laabato magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.

Dhanka kale diyaarada Itoobiya airline ayaa kasoo dagtay garoonka diyaaradaha Magaalada Hargaysa iyadoo waday rakaab ay kasoo qaaday Magaalada Addis Ababa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.