Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulan dhiiragalin ah la qaatay Gabdhaha Agoonta Boondheere ayaa ka faala qaaday Nolasha Xaawa Isxaaq Maxamed oo kamid ah caruurta Agoonta Soomaaliyeed.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Maamulaha Dugsiga Gabdhaha Agoonta Boondheere Maamo Nuurto Maxamed Caddow. Waxaa uuna kafaalad qaaday Nolosha iyo Waxbarashada gabadha ugu da’da yar xaruntaasi oo walidkeed ay ku geeriyoodeen Qaraxii Zoobe.
Leave a Reply