Dalka Suudaan Ayaa Iskaga Baxay Urur-goboleedka IGAD Kadib Fowdo ay Kala Kulantay

igad

Dowlada Suudaan ayaa joojinaysa xubinimadeeda ururka Igad ee waqooyi bari Afrika isku day ay ku dhexdhexaadinayso colaada ka jirta dalkaasi.

Igad ayaa isku dayaysay in ay soo afjarto dagaalka socday sagaalka bilood ee u dhaxeeyay ciidamada Sudan iyo kooxda ka soo horjeeda ee Rapid Support Forces (RSF).

Khamiistii dowladda Sudan ayaa ku dhaleeceysay Igad inay ku casuuntay madaxa RSF shir madaxeed.

Khartoum ayaa hadda sheegtay in bayaan ay soo saartay Igad uu ahaa mid weerar ku ah Suudaan.

Urur-goboleedka IGAD waxa la asaasay sannadkii 1996-kii, waxana uu ka kooban yahay siddeed waddan oo kala ah Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia, Eritrea Sudan iyo Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.