Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u mahadceliyay Masuuliyiintii iyo marti sharaftii kasoo qeybagashay munaasabadii Caleemasaarkii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ee Garoowe ka dhacay 25 January 2024.
Deni ayaa faahfaahiyey gogosha wadahadal ee arrimaha Soomaaliya ee ay Puntland dhigtay, taasi oo uu aqbalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana kulamadii madaxdu ku yeesheen Garoowe todobaadkan looga hadlay Ajandaha Shirka heer Federaal ee ay gogoshiisa dhigtay Puntland oo ka dhici doona Garoowe.
Leave a Reply