Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa furay kalfadhiga 9-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa Golaha uga mahad celiyay waxqabadkii ballaarnaa ee soo qabteen kalfadhiyadii lasoo dhaafay iyo isla xisaabtanka joogtada ah ee ay wadaan mudanayaasha Golahu, isagoo sidoo kale ammaanay howlaha hortabinta u leh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahaceliyay ciyaartoydii xulka Galmudug ee ku guuleystay shalay koobkii Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Leave a Reply