Gudoomiye Madaale oo kafaala qaaday nolasha Lix Caruur ah oo ay ka geeriyootay gabadhii dhawaan ninkeedu gubay

jimcaale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenada Amniga & Siyaasadda, Arrimaha Bulshada, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa Tacsi ugu tagay Qoyska Marxuumad Luul Sheekh Cabdi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kafaalad qaaday Nolosha Caruurta Agoonta ah oo ay ka geeriyootay Marxuumada. Asigoona sheegay in Laamaha Amniga ay ku raad joogaan Danbiilaha Baxsadka ah, isla markaana ay qoyska cadaalad heli doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.