Barlamaanka Soomaaliya oo ku Baaqay Inaan Madaxda Dowlada Ka Qayb Galin Shirka Garoowe

barlaman

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad Kulankiisa 15-aad ee Golaha Shacabka, waxaana kulanka goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar iyo ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Ajandaha kulanka oo ahaa ka doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, waxaana soo xaadiray Kulanka 155 Xildhibaan kuwaasi oo ka dooday arrimaha masiiriga ah ee dalka iyagoo soo hadal qaaday dib u eegista Dastuurka KMG ee Soomaaliya, waxayna Xildhibaannadu soo jeediyeen in Baarlamaanka la horkeeno wixii heshiis ah oo ay Xukuumaddu soo gasho iyo heshiisyada siyaasadeed ee dalka.

Qaar kamida Xildhibaanada Soomaaliya ayaa Soo Jeediyey inaan Madaxda Dowlada Soomaaliya ka qayb galin Shirka Madaxwayne Deni kaga dhawaaqay Magaalada Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.