Aadan Madoobe oo ka Qayb Galay kulan lagu taageerayey dib u eegista dastuurka

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Hotel SYL kaga qeyb galay munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay dhameystirka dib u eegista dastuurka, oo uu soo qaban qaabiyay Xildhibaan Guleed Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale kormeeray Xafiiska Xiriirka Dadweynaha ee uu furay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo loogu adeego shacabka uu matalo iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu Guddoomiyuhu ku dhiira-geliyay inuu xoojiyo u adeegida shacabka oo ah waajib Dastuuri ah oo mudan in Xildhibaanka lagu dhiira-geliyo, isagoona Xildhibaannada ugu baaqay in ay ku deydaan Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.