Abiy oo Madaxwayne Xasan ka Hor sitaagay inuu Galo Xarunta Midowga Afrika

abiyaxmed

Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Xukuumadiisa ayaa waftigii madaxwaynaha Soomaaliya kanhor istaagay inay galaan xarunta Midowga Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyey Itoobiya “xushmad darro” inay kula dhaqaaqday shir madaxeedka midowga Afrika ee hadda ka socda Addis Ababa, isagoo sheegay in saraakiisha amniga ay isku dayeen in ay u diidaan inuu galo halka shirku ka socdo. Wuxuu sheegay in markii dambe loo ogolaaday inuu galo.

Wuxu mar kale ku celiyey madaxweynaha Soomaaliya, isagoo la hadlayey suxufiyiinta, inuu ka xun yahay in Itoobiya “ay isku daydo inay qiil u samayso” heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland. “Itoobiya waxay doonaysaa inay dhul ka qaadato Soomaaliya” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray madaxweynaha Soomaaliya “in wakhtigan ay saraakiil sare oo Somaliland ka socota diyaar garow halkaa ka wadaan” si heshiiska loo dhaqan galiyo, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay sii murji

Arrintan ayaa imaanaysa ayadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxweynaha Soomaliya uu iska dhaqaaqay ayadoo la garaacayo muusigga astaanta u ah calanka Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa soo dhoweeyey wasiirka maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shide, waxaana sida u hab maamuuska dhigayo ay labada mas’uul istaageen mimbar loogu tala galay madaxda marka la garaacayo astaanta calamada labada dal.

Laakinse waxaa tan iyo shalay la isla dhex wareegayey in ‘madaxweynaah Soomaaliya uu ka degay mimbarka’, isagoo aan doonayn in uu sii taagnaado inta la garaacayo muusigga astaanta calanka Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.