
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaliya Mudane Cabdullahi bin Mudlaq alcutaybe .
Inta uu kulanku socday, arrimaha laga wada hadlay waxaa ugu muhiimsanaa; howlaha dib u heshiisiinta , Xasillinta dalka iyo iskaashi dhexmara Wasaaradda iyo Jaamacadda Carabta ee dhinacyada nabad-dhiska Soomaaliya iyo arrimo kale.

Leave a Reply