Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa magacaabay Guddi ganacsigga iyo dhaqaalaha Puntland si ay soo qiimeeyaan xaalada dhaqaale xumo ee ka jirta Puntland arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Wasiirka Arimaha-gudaha, Cabdi Faarax Juxaa ku dhawaaqay in xaaladda dhaqaalaha Puntland ay meeshii ugu xumayd marayso
- Wasiir. Maxamed Faarax Maxamuud Guddoomiye
- Wasiir. Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux) Xubin
- Wasiir. Shaakir Maxamed Guuleed Xubin
- Wasiir. Axmed Shire Siciid Xubin
- Mudane. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin
- Mudane. Dr. Carshe Maxamed Siciid Xubin
Waajibaadka Guddiga:
- Qiimeynta iyo ka talo bixinta dib u habeynta iyo tayeysiinta Maxjarada Xoolaha ee Puntland si kor loogu qaado dhoofka Xoolaha nool.
- Qiimeynta iyo ka talo bixinta horumarinta kaabayaasha ganacsiga sida Dekadaha iyo Kastamyada kale.
- Qiimeynta iyo sare u qaadista ganacsiga Puntland kala dhexeeya deegaanada Soomaalida kale iyo Dowladaha Deriska ah
Leave a Reply