Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa war kasoobsaaray Dastuurka Cusub ee doodiisa kasocota Barlamaanka Soomaaliya.
Puntland ayaa war saxaafadeed ay soo saaray ku sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin in isbeddel lagu sameeyo dastuurka Soomaaliya oo la filayo in uu dhowaan u codeeyo baarlamanka Soomaaliya.
Puntland ayaa ku tilmaantay in isku daygan uu yahay mid meesha lagaga saarayo dastuurkii lagu heshiiyey, laguna beddelayo dastuur cusub oo caqabad ku ah dowlad dhiska Soomaaliya.
Leave a Reply