Sawiro:Wasiir Fiqi oo Kulan La qaatay Wasiirada arimaha Dibada Baxrayn iyo Aljeeriya

fiqi

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Axmed Macalin Faqi, ayaa maanta la kulmay dhiggiisa Boqortooyada Bahrain, Mudane Abdullatif bin Rashid Al-Zayani, iyo Jamhuuriyadda Algeria, Mudane Ahmed Attaf.

Wasiirka ayaa kala hadlay dhanka Bahrain xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dhinacyada iskaashiga.

Labada mudane ayaa soo hadal qaaday dadaallada lagu doonayo in xabad-joojin laga gaaro Qasa, ilaalinta dadka rayidka ah, gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo, iyo horumarinta geedi socodka nabadaynta, amniga iyo xasiloonida gobolka.

Dhinaca kale, intii uu socday kulanka Wasiir Fiqi iyo dhiggiisa Algeria, waxa ay ka wada hadleen xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Kulankan ayaa barbar socda kalfadhiga 3-aad ee madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta iyo Wadamada Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.