Wasiir Maareeye oo Nairobi uga qaybhalay shirka wasiirada beeraha Afrika

maareeyegedotimes

Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka dowladda FS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qaybgalay shirka wasiirada beeraha Afrika, kaas oo looga hadlay caafimaadka iyo bacriminta beeraha.

Wasiir Maareeye oo shirka khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in wasaaradda beeraha iyo waraabka dowladda FS oo garowsan duruufaha gaarka ah ee ku xeeran beeraleyda Soomaaliyeed ay xoogga saarayso sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha haysta beeraleyda.

“Anagoo og duruufaha gaarka ah ee ay ku jiraan beeraleyda iyo beeraha Soomaaliya, waxaanu wasaarad ahaan ku dedaalaynaa Inshaa’allah in aanu intii awoodayada ah taageerno beeraleyda Soomaaliya, degaankana ka badbaadino khasaare ama nabaadguur kale oo soo gaara” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay dhibaatada wadamada Afrika ka haysata nabaatguurka ciidda iyo isbadalka cimimada, waxaana shirku diiradda saaray in wax laga qabto caqabadaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.