Wasiirka Amniga Gudaha XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

Fartaag

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdullahi Sheekh Ismail – Fartaag iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin Taliye-kuxigeenka Ciidanka Booliiska iyo Wasiirrada Amniga ee Dowlad Goboleedyada, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa u tagey Dhuusamareeb shirka sanadlaha ah ee wadatashiga horumarka amniga, kaas oo ay ka qeyb galayaan Wasaaradadaha Amniga iyo Talisyada Booliiska dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Shirka oo furmaya maalinta berri ah, ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa, isla markaana looga wadatashanayaa arrimaha hortebinta u leh horumarka amniga, xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha, iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan horudhac ah la qaatay Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.