Daawo:Xasan Sheekh oo Magacaabay Degmooyin Dhowr ah

xasansheekh

Madaxwaymaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Magacaabay Degmooyin dhowr ah oo Ka tirsan Gobolka Banaadir.

Madaxwayne Xasan ayaa dikreeto ku soo saaray in Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaley loo aqoonsaday degmooyin buuxa oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Ali Yusuf Ali – Xoosh, Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS mudane Axmed Macallin Fiqi, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin ka tirsan heerarka dowladda federaalka ah, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaar kale ayaa ka qeyb-galay munaasabadda heerkeedu sareeyo oo lagu soo dhaweynayo degmooyinkan cusub, taas oo lagu qabtay Aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo ku sugnaa xarunta dowladda hoose ee xamar ayaa warbaahinta u akhriyey digreetada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee 3-da degmo ee cusub, kuwaas oo buuxiyay sharuudaha degmanimmo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.