Daawo:Madaxwaynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Aaska Xildhibaan Cali

deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ka qeybaglay galabta Aas Qaran oo loo sameeyay Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo Ku geeriyooday Shil gaari.

Munaasabadda Aaska Qaran waxaa Sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise , Goleyaasha Dowladda Puntland, Qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Qoyskii iyo Qaraabadii AHUN Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud..

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.