Dhuusamareeb:Wasiir Fartaag oo Soo Xiray Shirkii looga hadlayey horumarinta Booliska iyo amniga

Fartaag

Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa soo xiray shir wadatashi oo ka dhacay Dhuusamareeb, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta amniga.

Shirka oo socday laba maalmood, ayaa lagaga hadlay mashruuca wadajirka booliiska (JPP-2), sharciga booliiska Soomaaliya, qorshaha istiraatijiyadeed ee amniga gudaha, iyo bixitaanka ATMIS.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay amniga dalka iyo nabadgelyada Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa sidoo kale bogaadiyay guusha shirka, isagoo xusay in Galmudug ay tahay goob muhiim ah oo dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta.

Shirkan waxaa kale oo ka hadlay Taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed iyo wasiirrada amniga dowlad goboleedyada, kuwaas oo soo bandhigay fursadaha iyo iskaashiga lagu xaqiijinayo amniga dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.