Daawo:Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Soomaaliya oo ayaa gaaray magaalada Caabudwaaq

Fartaag

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wasiirka oo maalmahan socdaal shaqo ku joogay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug, ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Caabudwaaq, Wasiiro iyo xildhibaano ka tiraan Galmudug.

Wasiir Fartaag oo soo dhaweynta kadib, la hadlay bulshada Caabudwaaq, ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta, waxa uuna sheegay in socdaalkiisu uu la xiriira adkaynta nabadda iyo sidii ay bulshada degmada ku dhaqan u kala warqaadan lahaayeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.