Duqa Muqdisho oo daah-furay Qorshaha xal-u-helidda Barakacayaasha

jimcaale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Barnaamijka Qorshaha Farsamo ee xal-u-helidda Barakacayaasha ku dhaqan Gobolka Banaadir oo ay iska kaashanayaan Maamulka Gobolka Banaadir, xafiiska QM ee Soomaaliya iyo Hey’adda IOM.

Madashaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada G/Banaadir, Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ahna U-qeybsanaha Howlaha Bani’aadannimada Mudane George Conway, He’adda IOM iyo xubno farsamo oo ka socday Wasaaradda Qorsheynta XFS, ayaa lagu kala saxiixday heshiis is-afgarad oo dhigayaa sidii loo taageeri lahaa Xafiiska Xalka Waara (DSU) ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii xalwaara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku dhaqan Gobolka Banaadir sidii ay u heli lahaayeen xuquuqaadka aasaasiga ah oo ay ka mid tahay, Waxbarasho, Caafimaad, Deegaameyn iyo in shaqo abuur loo sameeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.