Sawiro:Guddoomiye Aqalka Sare oo qaabbilay Safiirka Cusub ee dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

aqalka sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Cusub ee dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane, Alper Aktaş.

Kulanka oo ku saabsanaa isbarasho iyo soo dhowayn ayaa sidoo kale Guddoomiyaha iyo Safirku intuu uu kulanku socday isla soo qaadeen xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii adkayn lahaa.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada joogtada ah iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka hir-geliyeen, wuxuuna safiirka ku booriyay in uu sii laba jibaaro xiriirkaas walaaltinimo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.