Dowlada Qadar oo Bilowday Dhamaystirka Jidka isku Xira Muqdisho iyo Jowhar

Wado

Ra’iisul WasaarAha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tagey Balcad kormeer lagu dardargelinayo billawga wajiga saddexaad ee waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay faa’iidada ay waddadan leedahay, ayaa carrabka ku adkeeyay in ay tahay mid muhiim ah oo fure u ah ganacsiga, kor u qaadidda dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah. Isla markaana ay yareyn doonto waqtiga safarka iyo kharashka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bare, oo warbixin ku saabsan halka uu marayo diyaar-garowga wajiga saddexaad ka dhageystay Injineerada gacanta ku haya dhismaha waddada, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar ee maalgelisay mashruucan, Injineerada iyo shaqaalaha dhisaya waddada, kuwaas oo u huray naftooda.

Kormeerkan oo Ra’iisul Wasaaraha ay ku wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Taliyayaasha Ciidamada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Safiirka Dowladda Qatar. Mashruucan ayaa ka kooban saddex qeybood oo lagu dhisayo waddooyinka isku xiraya Muqdisho-Afgooye, Muqdisho-Balcad iyo Balcad-Jowhar, iyada oo la soo gabagabeeyey labadii waji ee hore oo isku xireyey Muqdisho-Balcad iyo Muqdisho-Afgooye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.