Guddoomiyaha Aadan Madoobe ayaa booqday Safaaradda Soomaalida ee kenya

Aadanmadoobe

Gudoomiyaha golaha shacabka BFS Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur”Aadan Madoobe iyo xubno kale oo ka socday baarlamaanka Soomaaliya  ayaa booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya,halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiinta safaaradda.

Gudoomiyaha ayaa Kormeeray qaybaha kala duwan ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya,isagoo warbixin ka dhageystay Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka hadlay howlaha muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed loo qabto.

Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur”Aadan Madoobe” iyo wafdi Xildhibaano ah oo la socda ayaa howlo shaqo u jooga Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.