Sawiro:Wasiirka Amniga Soomaaliya oo qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya

Fartaag

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AAbdullahi Sheikh Ismail – Fartaag ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin, kaas oo ay yeesheen wadahadal miro dhal leh.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray doorka ay IOM ku leeyihiin xasillinta, maareynta socdaalka, iyo dadaallada amniga xuduudaha,wasiirka Amniga Gudaha oo uga mahadceliyey taageeradooda, ayaa sheegay in xoojinta daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka laamaha amniga iyo cadaaladda ay sare u qaadayso kalsoonida shacabka iyo waliba adeeg bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.