Daawo:Xasan Sheekh iyo Gudoomiyaasha Labada Aqal oo Eedeyn Wayn Loo Jeediyey

shakuur

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Gudoomiyaasha Labada Aqal ayaa lagu eedeeyey inay dantii dadka iyo dalka ka hormariyeen tooda gaarka ah.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa labada nin ku eedeeyay inay jeebka u galeen Villada, ayna fulinayaan wixii loo soo yeeriyo iyo rabitaanka gaarka ah madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddoonkii labada Aqal ee baarlamaanka ay macnihii ka qaadeen baarlamaanka oo sharaftii ay ka qaadeen oo awooddiisi xil-gudasho, la-xisaabtan, daba-gal iyo kor-joogtayn meeshiiba ka baxeen,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la qiimo tiray labadii Aqal ee baarlamaanka, waxayna guddoonkii jeebka u galeen Madaxtooyadda oo ay ka shaqeeyaan wax aleele iyo wixii ay rabeen, waxaana meeshaasi ku dhintay isla xisaabtankii.”

Waxaa kaloo intaas ku daray in Xildhibaannada intooda badan ay ka shaqeynayaan danahooda gaarka ah, oo qaarkoodna loo sameeyay ballan-qaadyo u muuqda “afka naga hayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.