Daawo:Barlamaanka Galmudug oo Ansixiyey Sadex Degmo oo Cusub

gacal

Golaha Wakiilada Galmudug ayaa maanta yeeshay kulankoodii 2aad ee Kalfadhiga 10aad, waxaana shir Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Dr Maxamed Nur Gacal oo ay ku wehliyeen labadiisa Ku xigeen.

AJANDAHA KULANKA:

  1. Ansixinta Sharciga Degmeynta Degmooyinka Gadoon, Godinlabe iyo Xeradhagaxley
  2. Taageerada dadaalka Nabadda ee Guddiga Xukuumaddu ka wado Deegaanada Cabuudwaaq iyo Xeraale
  3. Dhaarinta Wasiirada Cusub ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Galmudug.

Ugu horey Kulanka maanta ee Golaha ayaa lagu dhaariyey Wasiirada Gaadiidka iyo Duulista Hawada, ku xigeenkiisa iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug.

kadib Golaha ayaa Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyey kuna meel-mariyey Sharciga Degmeynta, Degmooyinka Gadoon, Godinlabe iyo Xeradhagaxley oo kamid noqonaya Degmooyinka Dawlad Gobaleedka Galmudug, kadib markii ay soo buuxiyeen Shuruudihii Degmanimo ayna soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.