Daawo:Qoorqoor oo beelihii ku dagaalamay Galgaduud dhexdhigay heshiis hordhac ah oo ka kooban 3 qodob

qoorqoor

Madaxweynaha Dowladda gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaanno ka tirsan waqooyiga Gobolka Galgaduud, kuwaas oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya beelo walaalo ah oo ood wadaag ahaa.

Madaxweynaha oo halkaas ka furay gogol nabadeed ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac, isagoo kala hadlay sida ay muhiim ugu tahay in la gaaro xal deg deg ah iyo nabad waarta oo labada dhinac dhexmarta.

Bilowga gogosha nabadeed ayaa la isla qaatay sedax qodob oo Kala ah;

1: In xabad joojinta la isla qaatay la dhaqangeliyo , iyo sidoo kalena lala shaqeeyo Ciidamada ammaanka.

2: In la kala qaado maleeshiyaadka.

3: In dhinacyadu usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo la dhigay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.