Akhriso:Xasan Sheekh oo magacaabay Taliyaan cusub oo lagu kordhiyay Ciidanka Xoogga

xasansheekh

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyada oo laga duulayo dib u habeynta iyo dardargalinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray Talisyo cusub oo lagu soo biiriyey Ciidanka Xoogga Dalka.

Talisyadaasi la magacaabay ayaa kala ah, Taliska Ciidanka Gaarka ah ee CXDS, Taliska Tababarada CXDS, Taliska Sahanka & Wardoonka CXDS, iyo Taliska Taakulada Guud ee CXD.

Talisyadan ayaa waxaa loo kala magacaabay S/Guuto Axmed Cadullaahi Sheikh (Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah) G/Sare Axmed Ciise Axmed (Taliyaha Taliska Tababaradda), G/Dhexe Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare (Taliyaha Taliska Sahanka & Wardoonka), G/Dhexe Ibraahim Maxamed Maxamuud (Taliska Taakulada Guud ee CXDS).

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay in ay halkaas ka sii amba-qaadaan dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, isagoo xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.