Muuse Biixi Ayaa Daah-furay Imtixaanka shahaadiga ee Dugsiyada Sare iyo Kuwa Hoose/dhexe

muse

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay bilowga imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo Siddeedaad ee dugsiyada Hoose Dhexe oo maanta dalka si rasmi ah uga bilaabmay.

Muuse Biixi oo ay wehelinayaan madaxda wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska iyo hormuudka xafiiska Imtixaanaadka qaranka, islamarkaana ay hareera joogaan qaar kamid ah madaxda jaamacadaha dalka oo sannadkan qayb ka ah maamulka Imtixaanka, ayaa dugsiga sare ee Faarax Oomaar ee badhtamaha Hargeysa ka daah-furay Imtixaanka, waxana uu Ardaydii ku sugnayd fasallada u qaybiyey nuqullada imtixaanku ka kooban yahay..

dhanka Dalka Soomaaliya waxaa maanta laga daaf furay Imtixaanka Guud ee dugsiyada Sarre ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.