Dagaal Duleedka Dhusamareeb ka Qarxay iyo Dowlada oo Hurinaysa Dagaal beeleedyo

dhuusamareeb

Dowlada Soomaaliya intii ay la dagaalami lahayd Shabaab ayey waxay hubaynaysaa dagaal beeleedyo ka socda Hirshabeelle, Galmudug, Puntlamd iyo koonfurgalbeed.

Dagaal culus ayaa ka socda duleedka Dhuusamareeb
Waxaana ka dhashay khasaaro dagaal beeleed ka qarxay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Cayr iyo Duduble.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka oo ah mid xoogan ku dhintay ugu yaraan hal qof oo shacab ah, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalkan ayaa daba socda dil argagax leh oo shalay ka dhacay deegaanka Bulacle oo isna u dhow Dhuusamareeb, kaas oo loo gaystay Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa.

Dagaal beeleedyo badan ayaa ka socda gobolada dalka waxaana lagu eedeynayaa inay ka dambeyso dowlada Soomaaliya sida ay sheegeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda goobaha dagaalka ka socdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.