Daawo:Qoorqoor oo Furay Shir lagu Heshiisiinayo Beelaha Caabudwaaq iyo Xeraale

Qoor

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa furay shirka nabadeynta beelaha kasoo kala jeeda degmooyinka Xeraale iyo Cabudwaaq.

Madaxweynah ayaa ku boorriyay salaaddiinta iyo nabaddoonnada iney guud ahaan reer Galmudug gaar ahaan dadka ay kasoo kala jeedaan u qaadaan nabad waarta, isla markaana dhinac looga soo wada jeesto cid kasta oo nabadda lid ku ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale guddi culima ah oo loo saaray xal u helidda dirirta beelaha walaalaha ah kula dardaarmay iney xaqa u hiilliyaan, cidna u xeenan isla markaana ay Dowladdu ku garab taagantahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.