Dagaalka Mudug ka socda iyo warar dheeraad ah oo ka soo baxaya

dagaal

Wali waxaa ka socda galbeedka gobolka Mudug dagaal u dhaxeeya meleeshiyo ka soo kala jeedda Leelkase iyo Sacad.

Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa jira, hase-yeeshee weli xog rasmi ah lagama hayo inta uu la egyahay.

Wararku waxay intaa ku darayaan in shalay halkaa ay tageen odayaal ka socday labada dhinac ama labada beelood ee dagaallamaya iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug, balse xogta aan helnay ayaa sheegaysa in fadhi arrimahaan laga yeeshay uu ku soo dhamaaday is faham waa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.