Ra”iisul wasaare Xamse oo ka tacsiyeey Geerida Guddoomiye Jawaari

xamse

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska iyo ehelka uu ka baxay Allaha u naxariistee, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Qaranka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu maanta ka baxay tiir aad muhiim ugu ahaa dowlad dhiska Soomaaliyeed. Waxa u uku tilmaamay Marxuum Jawaari in uu ahaa siyaasi waayo arag ah oo muddo ka badan 60 sano ka soo shaqeeyay dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ay ku gaamurtay maamul dowladnimo oo dhameystiran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka uga baryay Allaah (SWT) in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.