Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qasriga madaxtooyadda Jabuuti kula kulmay Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed AwCali.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay isbeddela Geeska Afrika iyo arrimo labada dhinac khuseeya oo ay kamid yihiin eedeyn Jabuuti horay loogu soo jeediyey oo ahayd inay Jabuuti hubsiisay Somaliland.
Safarka Firdhiye ku tagay Jabuuti ayaa ahaa casumaad uu ka helay Madaxwaynaha Jabuuti.
Dhanka kale Soomaaliland ayaa si kulul uga hortimid Safarka Hogaamiyaha SSC Khaatumo ku Tagay Jabuuti.
Leave a Reply