Dilka Dalka Masar oo Luqdisho Ka Bilowday Duulimaad Joogta ah

Diyaarad

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Fardowso Cismaan Cigaal iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashisha Caalamiga ah ee XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Badar Cabdulcaadi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi oo Shir-Jaraa’id qabtay ayaa faah faahiyay muhiimadda ay tallaabadan u leedahay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo xusay in bilaabista duullimaadyadan tooska ah ay qayb ka qaadanayso xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee Wadanka.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Fardowso Cismaan Cigaal ayaa sheegtay in Diyaarada Egypt Air si joogta ah ay u sameyn doontaa duulimaadyada Muqdisho iyo Qaahira.

Duulimaadka Tooska ah ee diyaaradda Egypt Air ee la daahfuray ayaa ka dhigan tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka sare u qaadida iskaashiga dhaqaale ee labada dal, taasoo ka tarjumaysa himilooyinka guud ee labada shacab ee walaalaha ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.