Ugaaska Beesha Mareexaan oo dowlada iyo Galamudug ku eedeeyey Dhacdadii Caabudwaaq

ugaasmaxamed

Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax ayaa si adag uga hadlay dhacdadii maantay kadhacday deegaanka Shiilamadow ee hoos yimaada Caabudwaaq, Isagoona ka hadlay Qodobadaan.

1- Waxaa uu ka tacsiyeeyay dadka shacabka ahaa ee ku geeriyooday dhacdadii maantay ee Shiilamadow.

2- Waxaa uu dhaleeceeyay masuuliyad darrada ay ku kaceen ciidanka dowladda oo uu sheegay in ay dileen dad shacab ah.

3- Waxaa uu si cad u sheegay Ugaaska in Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug aysan wax dhaq dhaqaaq ah ka samayn karin degmada illaa laga helayo cidda qaadanaysa masuuliyadda dhacdadii maantay ka dhacday Shiilamadow, Haddii aysan samayn taasina ay masuuliyadeeda ay qaadanayaan Dowladda Federaalka iyo Galmudug.

5- Dadka shacabka ah ee Waqooyiga gobalka Galgaduud ee beesha Sadde ayuu Ugaaska ugu baaqay in ay ka tashadaan aayahooda shirna ay iskugu yimaadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.