Akhriso:Galmudug oo Shaacisay Inay Baaritaan ku Wado Dadkii Hubka Ka Keenay Itoobiya

Qoorqoor

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa war kasoo saaray Hub si sharci daro ah dalka lagu soo galiyey kaas oo shalY lagu qabtay Duuleedka Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud..

War qoraala oo kasoo baxay Galmudug ayaa sidaan u qornaa.

War-Murtiyeed.

Dawlada Galmudug waxay si dhow ula socotay dhaqdhaqaaqa hubka laga soo tahriibiyey dhanka Itoobiya ee ku aaddan Waqooyiga Galgaduud. Hay’adaha Amniga oo ku dabajoogay ayaa isku dayey in ay gacanta ku dhigaan hubka, si looga hortago halista amni iyo xasilooni darrida uu hubkaasi abuuri karo.

Dowladda Galmudug waxey baaritaan ku haysay cida ka danbaysay falkaas argagaxa leh, waxaana u caddaatay in dad qowlaysato ah kuna caan baxay ka ganacsiga waxyaabaha sharci darrada ah ay ka danbeeyeen, iyadoo ujeedku ahaa in loogu adeego danahada argagaxisada , la isagana horkeeno shacabka , laguna qalqal geliyo amniga iyo xasilloonada Galmudug.

Dawlada Galmudug waxay ku guda jirtaa sidii caddaaladda loo hor keeni lahaa dhagar qabayaashaas, waxayna ka dalbaneysaa hay’adaha amniga iyo caddaaladda ee Dowladda Federaalka ah in ay arrinkaas gacan ka gaysataan.

Dowladda Galmudug Waxey u tacsiyeyneysaa ehellada dadkii ku waxyeeloobay shaqaaqadii shalay ee uu sababay hubka tahriibka ahaa, waxeyna ugu baaqaysaa shacabka Galmudug in ay nabada iyo xasiloonida ka wada shaqeeyaan, meelna uga soo wada jeestaan argagexisada iyo kuwa fursadaha ka raadinaya dhiigga dadka walaalaha ah iyo qalqalgelinta amniga Galmudug.

DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA AMNIGA DOWLADDA GALMUDUG.

Ministry of Internal Security – Galmudug State of Somalia

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.