Hirshabeelle oo Sheegtay inay ogolaansho siiyeen Ciidamada Itoobiya

itoobiyo

Maamulka Hirshabeele ayaa xaqiijiyey in ciidamo Ka socda Itoobiya ay soo gaareen deegaano ka mida gobolka Hiiraan kuwaas oo ka soo tilaabay dhanka xadka Feerfeer.

Madaxda deegaannada ciidammadaasi soo gaareen ayaa sheegay in saraakiisha Itoobbiyaanka u sheegeen, in ay hordhac u yihiin qorshe lagaga shaqaynayo sidii ay deegaannadaas uga bixi lahaayeen ciidamadii Itoobiyaanka ee ku sugnaa gudaha Soomaaliya, kuwaas oo dawladdu Federaalku hore sheegtay in ay ka baxaan guud ahaan dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamulka Hirshabeele Cabdi Daahir Guure oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay ka war hayaan ciidankaasi ka soo tallaabay xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Ciidankaa Itoobiya ee ka soo gudbay xuduudda meesha la yiraahdo Feerfeer sida ay anaga nagu soo gaartay warbixinta ku saabsan ciidamadaas in ciidankii gobolka Hiiraan ka joogay oo qaarkooda ay Atmis ahaayeen qaarna ay caawinayeen inay guurayaan waqtigii-na uu ka dhamaaday inay ciidamadaas galbinayaan ayaa warbixinta nagu soo gaartay,” ayuu yiri.

Waxaa uu xusay in ciidamadan ay maamulka deegaanada ay soo gaareen ay horey ugu soo wargaliyeen inay soo socdaan islamarkana loo ogolaaday.

“Wax calaaqaad ah oo hadda naga dhaxeeyo ma jiro maamulkii noo qaabilsanaa xudduudada iyo deegaanadaas Itoobiya xadka la leh ayay ku wargaliyeen inay waddada marayaan ee ciidankaas soo qaadanayaan, saraakiil aagaas ammaanka ka shaqeyso oo Hirshabeele ah ayaa si shacabka loo badbaadiyo kala shaqeynaysay inay waddada maraan”, ayuu yiri wasiirak Hirshabele.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.