Xasan Sheekh Maxaa ka hor taagan inuu Qaato go’aanka Isaias Afwerki ka Qaatay itoobiya Airline

itoobiyaairline

Maamulka Hay’adda Duulimaadka Rayidka ee dalka Eritrea ee hoos yimaadda wasaaradda gaadiidka ee dalkaas, ayaa waxa uu mamnuucay duulimaadyada diyaaradda Itoobiya, waxa uu warkaas lagu sheegay kadib markii lagu soo daabacay wargeyska dawladda Eritrea ee Hadas.

Sida lagu sheegay warka ay soo saareen maamulka Hay’adda Duulista Rayidka ee Itoobiya, sababta ay mamnuuceen diyaraadda Itoobiya ayay ku sheegeen, in diyaaradda Itoobiya Airlines ‘ay xadgudub abaabulan kula kacday rakaabka Eriteriyaanka ah ee raaca diyaaradooda’.

“Xatooyo boorsooyinka ah, waxyeelayn, dib u dhac aad u dheer, xoolo lumin aan magdhaw lahayn, sicirka tikidhada oo si aan la macnayn Karin cirka la gaarsiiyo iyo sharci darrooyin kale oo aynu aragnay,” ayay sheegtay Eritrea in ay ku joojisay duulimaadka diyaaraddaas.

Dawladda Eritrea waxay sheegtay in marar badan ay isku dayeen in ay dhibaatooyinka ay sheegteen xalliyaan iyaga oo xiriir la sameeyay diyaaradda, balse in aysna suuragalin ayay ku sheegeen warka ay soo saareen.

Hay’adda ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyay 30 ka bisha September uu dhaqan galiyo go’aankan lagu mamnucuay diyaaradda Itoobiya.

Farriintaan ayaa waxay ku wargalineysaa rakab Eritrean ka ah ee qorsheynaya in ay isticmaalaan diyaaradda Itoobiya wixii ka dambeeya 20 ka bisha September in ay wax ka sii badalaan qorshahooda xilli hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.