Daawo:Ugaas Maxamed iyo Bulshada Caabudwaaq oo Ka Shiray Hubkii Sharci Darada ahaa

ugaasmaxamed

Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax ayaa maantay guddoomiyey shirweyne ay ka soo qeyb galeen maamulka degmada Caabudwaaq, Golaha Odayaasha Guurtida iyo ururada bulshada.

Shirka oo si weyn loogu lafa-guray dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee ka dhacay degmada Caabudwaaq iyo, guud ahaan, xaaladdaha ku xeeran deegaanka, ayaa isku raacay qodobadaab soo socda.

1- Adkayna nabadda iyo xasilloonida deegaamada Waqooyiga Galgaduud, iyada oo lagu garab siinayo hay’addaha dowladda ee u xil saaran.

2- In daris wanaag iyo nabadda lagula noolaado deegaamlnada kale ee dariska ah iyo In beelaha dariska ah ee walaalaha ah loogu baqayaa Nabad iyo Xasillooni.

3- ⁠Shirku waxuu bogaadiyey kana mahadceliyey doorka dowlad gobaleedka Galmudug iyo qaar ka mid ah xildhibaannada Federaalka ay ka qaateen maareynta qulqulatooyinkii ka dhashay dhacdadii Shiilmadoow.

4- ⁠Shirku waxuu adkeeyey ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda ku dhaqan Waqooyiga Galgaduud iyo guud ahaan Galmudug.

5- ⁠Shirku waxuu isku raacay in xukunka qof kaste oo si xaqdarra ah u dila qof kale la waafajiyo Shareecada Islaamka.

6- Shirka Waxaa lagu taageray shirkii uu Ugaaska ku baaqay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.