Hoggaamiyaha Maamulka SSC ayaa dhagaxdhigay qaybta cusub ee Isbitaalka Laascanood

firdhiye

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa saaka dhagax-dhigay qaybo cusub oo lagu darayo Cisbitaalka weyn iyo kuwo la dayactirayo.

Wasiirka Caafimaadka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Yuusuf Sancad ayaa ka warbixiyey qorshahan ayaa sheegay in uu ka mid yahay qorsheyaasha horumarineed ee loogu talagalay Soomaaliya, sidoo kale qorshahan waxaa iska kaashaday Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka SSC-Khaatumo, waxaana maalgaliyey waddammada saaxiibbada Soomaaliya sida Norway iyo Switzerland.

Qaybahan cusub ee lagu darayo Dhakhtarka ayaa ah kuwa ugu muhiimsan sida ICU’ga. Sidoo kalena waxaa guud ahaan dayactir lagu samaynayaa Cisbitaalka.

Ugu danbayn hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey wasiirka Caafimaadka iyo dawladda Federaalka Soomaaliya hawshan baaxadda leh ee ay ka wadaan deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.