Soomaalidu haku baraarugto Imaaraadka inuusan Saaxiibnimo Lahayn

Imaaraadka

Waxaan ognahay in Dawlada Imaaradka ay san saaxiibnimo lahayn islamarkaasna loo adeegsado in dawladaha Muslimka ah burburintooda loo adeegsado.

Miyaan iloownay wixii ku dhacay Ciraaq, Suuriya, Yaman, Suudan, Masar iyo Libiya, ma iloownay Jamhuuriyada Jabuuti iyo Imaaraadka waxa kala qabsaday (Somaalidu waxa dhahdaa nin hooyadi qorax u jiiday Ayeydii hoos mageeyo).

Dawladihii awooda lahaa ee carbeed oo dhaqaale
awood iyo Hormarkoodii dib loo celiyo waxaa loo adeegsaday waa Boqortooyada Imaaraadka, sidaas darteed ma aha wax shaki ku jira in Muslimka iyo Carabtaba cadawgoodu yahay Imaaraadka Carabta.

Waxaan aad uga Welweley oo ka naxay markii aan meediyaha ku arkay boqolaal Gaadiid dagaal ah oo Imaaraadka ku daabulaayo Itoobiya kuwaas oo ah kuwa casriya taas bedelkeedana Soomaaliya ka furay xafiiska fududaynta Fiisooyinka.

Haddaba sow ma muuqato in daraasad dheer nala ku sameeyey oo awooda iyo cududa cadawgayaga la xoojinaayo ama la cayilinaayo halka dhanka kale dhalinyaradayada buufiska diley tahriibka loo fududaynaayo kuwaas oo ah dadkii dalkeena kabdifaaci lahaa cadowgeena.


Aqoonyahanka Soomaaliga, indheergaradka iyo waxgaradka sidee u fakaraan dalka miyaan wada nacnay, Maxaa Caruurtayada dhaxal u ah, Alle ha na garansiiyo dantayada iyo tan dambe ee ubadkeena.


Ugu danbayn hoggaanka dalkayaga iyo Imaaraadka Carabta inta Goori goor tahay aan u istaagno in aan ka badbaadino dhaxalka ubadkeena.


Wa bilaahi Towfiiq
Abdullaahi jimcaale Faarax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.