Madaxwaynihii Hirshabeelle oo Lagu Soo dhaweeyey Magaalada Jalalaqsi

guudlaawe

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta soo gaaray degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan.

Safarka shaqo waxaa ku wehlinayay Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Xubno Fulinta iyo sharci-dejinta Dowladda Hirshabeelle, Guddoomiyayaasha Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, Saraakiisha ciidamada qalabka sida, Fannaaniin iyo Suxufiyiin.

Maammulka Degmada Jalalaqsi oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Nuur Dheere ayaa banaanka magaalada uga hortagay wafdiga Madaxweynaha iyagoo u soo galbiyay magaalada.

“Shacabka Jalalaqsi biseyl Dowladdeed ayaa ka muuqdo waana ku ammaanayaa nabad-galyada sida ay u xaqiijiyaen. Garabkiina ayaa nahay guulleysta reer Jalalaqsi.”

Gunaanud Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay shacabka degmada Jalalaqsi maamuuskii iyo milgaha ay kusoo dhaweeyeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.