Madaxwayne Xasan oo Sharaxay dadka Muqdisho ku Shiidsan

Xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimacaha kaga hadlay dardargalinta dagaalka Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada kooban ee ay kaga harsan yihiin dalka, kororka dhaqaalaha iyo hirgelintahirgelinta qorshaha Dimuquraadiyeynta iyo hanaanka doorashooyinka dalka.

“Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta waa mudnaanta koowaad ee dowladda, wuuna socon doonaa ilaa laga xoreynayo dalka oo dhan, Khawaarijta waxa ay ka shaqeynayaan waa inay suurad xumeeyaan magaalada Muqdisho”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay hanaanka doorasho ee dalka ayaa sheegay in ujeedka dowladda uu yahay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay fursad u helaan inay codkooda dhiibtaan..

“Dalka waxaa ka dhici doona doorasho qof iyo cod ah, shacabka Soomaaliyeed ayaa wax dooranaya, taasi waa mabda’a, Soomaaliya ma xukumi doono qof aan shacabka dooran”.

Mar uu Madaxweynaha ka hadlayay dhaqaalaha dalka ayuu sheegay in ku dhawaad ​​100% uu kordhay, taasina ay cadeyn u tahay mashaariicda ka socota guud ahaan gobolada dalka.

Madawayne Xasan ayaa yiri “Kii wax shaxaadi jiray, kii AS lacagta u aruurin jiray, kii inta meel fariisto nina caayi jiray nina amaani jiray, intaas waaye kuwa Shiidsan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.