Abi Axmed oo Sharuudo adag hor dhigay Xasan Sheekh

abiyahmed

Dowlada Itoobiya ayaa waxay Sharuudo adag ku xirray wada hadalka ay la galayso dowlada Soomaaliya ee ku saabsan heshiiskii bada ee ay la galeen Muuse Biixi.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga ayaa sheegay in Ethiopia ay dhawaan dowladda Soomaaliya uga codsan-doonto helitaanka dekad islamarkaana ay aqoonsandoonto madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa yiri” Waxaan rabaa in aan Madaxweynaha u soo gudbiyo in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isku raaceen hanaan iyo qorshe lagu soo afjarayo khilaafkii ka dhaxeeyay Itoobiya iyo Somalia waqtiga ugu dhaqsaha badan Itoobiya ayaa si rasmi ah uga codsan doonto Soomaaliya helida deked.

Sidoo kalana waxaa ay aqoonsan doonto Madax bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Soomaaliya taas ma ahan mid shaki ku jiro
Waa qorshe shaqadiisa hadda socoto, waxaan sidoo kale wadnaa in wajiga labaada ee shirka uu dhaco isbuuc soo socoda Insha Allah”

Itoobiya ayaa Sheegtay sida kaliya ay uga noqonayso heshiiskii ay la gashay Muuse Biixi ay iyadoo dekad kale hesha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.