Kulan xasaasi ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa baaqday, kadib markii ay soo xaadiri waayeen xildhibaannada kasoo jeeda HirShabelle.
Sababta uu u baaqday kulankan oo kamid ahaa kal-fadhigga 5-aad ee Golaha Shacabka ayaa la xiriirto kooram la’aan, kadib markii ay maqnaadeen inta badan xildhibaannada.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee barlamaanka Soomaaliya Cabdullaahi Abshirow oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in xildhibaannada aaday Hirshabelle dartood uu u baaqday kulankooda, kuwaas oo aanan saxiixin kooramka.
Abshirow oo hadalkiisa sii wata ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay inay baaqato shaqadii baarlamaanka, xildhibaannaduna ay iska aadeen xaflado iyo dabaal-deg.
Leave a Reply