Xasan Sheekh oo Safar looga tashanayo Itoobiya ku Tagay Dalka Masar

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi l uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Safarkan ayaa ku salaysan martiqaad rasmi ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka helay Madaxwaynaha Masar Cabdulfataax Al-siisi si ay uga wada-hadlaan xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Labada dal, iskaashiga difaaca iyo amniga Soomaaliya iyo Masar, danaha wadajirka ah iyo damaca Itoobiya ay ku doonayso bada Soomaaliya.

Inta lagu guda jiro booqashadan, wafdiga dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo muhiim ah la yeelan doona Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare oo ka tirsan dawladda Masar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.