Farmaajo “Dhalintu Dil Ma Mudna ee Waxay Mudan Yihiin Garab Istaag

Farmaajo

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka horyimid sida xun ee loola dhaqmay Dhalinta Xoogsatada ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

0

War qoraala oo Farmaajo soo saaray ayaa sidaan u qornaa.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminay dalkooda, kuna shaqeynaya duruufaha adag, gaar ahaan xoogsatada Bajaajka, waxay mudan yihiin garab istaag iyo in laga fududeeyo culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan.

Dhibaatada iyo dhaawacyada maanta loo gaystay xilli ay Muqdisho si nabad ah ugu soo bandhigayeen cabashadooda waa mid aan la aqbali karin oo niyad jab ku noqonaysa hammiga dhallinyarada Soomaaliyeed ee u istaagay dib u dhiska dalkooda.

Alle waxaan ka baryayaa in uu u booga dhayo dhallinyaradeenna ku dhaawacmay rasaasta maanta lagu wajahay cabashadooda, waxaanna ugu baaqayaa Hay’adaha Dowladda in ay mudnaan siiyaan daryeelka caafimaad ee dhallinyaradan oo nolol-maalmeedkoodu ku tiirsanaa xoogsigooda maalin laha ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.