Daawo:Culumada oo Muqdisho ku qabatay Kulan looga Doo horjeedo Itoobiya

itoobiya

Muqdisho(SONNA):-Culimada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in dalka laga difaaco gardarrada cadowga  Itoobiya.

Shir maal mahaan u socday culimada  ayay ka soo saareen warmurtiyeed la xariira damac gurracan ee itoobiya,iyagoo shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan difaaca diinta iyo dalka,waxana qodobada ay soo saareen kamid ah.

1)-Culimada Soomaaliyeed waxa ay adkeeynyaan midnimada ummadda soomaaliyeed.

2)-Culimada waxa ay bulshada qeybaheeda kala duwan ugu baqeen in ay u midoobaan difaaca dalka kana fogaadaan wax walba oo kala fageyn karo midnimada iyo wadijraka ummadda Soomaaliyeed.

3)-waxa ay culimada ka digeen sidoo kale dadka ku hoowlan Kicnta iyo
iska horkeenka bulshada ee faafinayo hadalada aan saxda ahaayn ee lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii culimada soomaaliyeed ayaa  dhammaan shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan sidii dalkooda ay uga difaaci lahayeen cadawga itoobiya iyo cidkasta oo soo damaacisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.